Akhriso Magacyada Musharaxiinta utaagan Xilka Madaxwaynaha Galmudug

faray

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa kusoo qul qulaya Musharixiinta Xilka Madaxwayanaha Galmudug taas oo dhawaan ka dhici Doonta Xarunta Baaralamanka Barlamaanka Galmudug ee Cadaado.

Musharaxiinta Hada isi soo taagtay Xilka Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa Kamida Cabdulaahi Cabdirixmaan Tootoole oo ah Gudoomiyaha Degmada Cadaado, Axmed Maxamuud Baast oo ahaa Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga maamulka Galmudug, Aqoon yahan Maxamed Cismaan Gurxan “Faray” iyo Musharaxiin kale oo dhawaan ku dhawaaqaya inay utaagan yihiin xilka Madaxwayanaha Galmudug.

Magaalada cadaado waxaa dhawaan gaaray Xildhibanada Galmudug kuwaas oo ka kala yimid Magaalada Dhuusamareeb iyo Muqdisho ayakoo lagu wado inay doortaan Madaxwayne Cusub ee Galmudug, dhanka kale waxaa jira dhex dhexaadin larabi in lagu soo afjaro qilaafka kajira Madaxda Galmudug taas oo waydaan xildhibaanada dowlada federaalka ah iyo dowlada Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.