Maxay ku kala duwan yihiin Al shabaabka sharciyeysan iyo kan aan sharciyeysnay ee sida buuxda u wada shaqeeya?

jimcaale

Su,aashaan waa in ay isweydiiyaan dhammaan dadka soomaaliyeed iyo kuwa samaha la jecel ee caawiya ee loogu yeero beesha caalamka sida midoowga Afrika,Midoowga Yurub,Igad iyo qaramada midoobey ,sidoo kale qaybaha xukuumada Soomaaliya saddexdeeda qaybood ee kala ah fulinta,garsoorka iyo sharcidejinta oo ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare bay is weydiinayaan shacbiga Soomaaliyeed ee samaha jecel waxa ay indhaha uga qarsanayaan su,aasha sare.
Waxaa laga yaabaa in dadka qaar isweydiiyaan dulucda arintu halka ay ku socoto inta aanan hoos ugu dhaadhicin aan idiin soo bandhigo si kooban warbixin ay qortay hay,ada QM u qaabilsan cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritereeya(Monotoring Guroup) oo ahayd in Soomaaliya laga dhoofiyey dhuxul dhan 3.6 million kiish taas oo Al shabaab ka heleen dakhli dhan 7.5 million doolarka Mareykanka ah.
Haddaba sow nooma cadda in Al shabaabka duurkujirka ah ee shacbiga Soomaaliyeed dagaalka kula jira oo dalka iyo duninidaba ka xaaraantimeysan iyo maamulka Kismaanyo ka taliya ay gacansaar buuxa iyo wada shaqayn waafiya leeyihiin oo aan qarsoonayn islamarkaasna la sharciyeeyay.
Akhristayaal balaayo afka lagama dhawro sow Dawlada iyo dadka Soomaaliyeed iyo weliba Beesha Caalamku uma eka kuwo Libaax ay arkayaan raadkiisa goobaya.waa halkii maahmaahdu dhihi jirtay (LIBAAX AAD RUUXIISII ARKAYSID RAADKIISA LAMA QAADO),Annigu xil aan hayo difaacan maayo xildoona ma ahi,caadifadna iga hadlin meyso,waxaanse ahay mid jecel wanaaga dalkayga iyo dadkayga waxaana ii muuqata in Axmed Maxamed Islaam iyo Koox uu madax ka yahay ee ku sugan Kismaanyo ay ka khatarsan yihiin Al shabaabka duurka ku jira kana mid yihiin,sidaas awgeed maxay nagu qancinayaan Mas,uuliinta Soomaalida iyo beesha caalamka oo uu u horeeyo Wakiilka Cusub ee QM?.

Cabdullaahi Jimcaale Faarax.
London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.