class="post-template-default single single-post postid-46490 single-format-standard">
Gedo Times

Daawo:Ra’iisalwasaare Khayre oo sheegay Hirshabeele iyo dowlada inaysan labo Dowladood kala ahayn

qayre

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.
Madaxwaynaha Hir-shabeelle ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

Rai”salwasaare Kahyre ayaa waxuu sheegay Hirshabeele inaysan ku nqon Qalalaasihii maamul goboleedyada taas oo niyad jab ku samaynaysa Buslahada Hirshabeele.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.