Muuqaal:Soomaaliya Iyo Midawga Yurub Oo Kala Saxiixday €100 Milyan Oo Lagu Kabayo Miisaaniyadda Dawladda

Xukuumaadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda.

Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan lacag €100.
Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah ugu saxiixay heshiiska.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.