Madaxweynaha Soomaliya oo gaaray magaalada Marka

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose si uu kulamo gaar gaar ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalaadaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa waqti la qaadan doona Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Al Shabaab ay ka geysteen Soobe, sida Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Mudane C/nuur Maxamed Axmed

Ciidankan ayaa ka wada howlgalo Maleeshiyada argagixisada ah looga sifeynayo qeybo kamid ah Gobalka Sh/Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreeyso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.