Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaliya ayaa cambaareeyay Qaraxyadii ka dhacay Baydhabo

mursal

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay qaraxyadii Argagixisinimo ee Maleeshiyaadka nabad diidka ah ay la beegsadeen meelo dad shacab ah ay isugu yimaadaan oo ku yaala Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

“Waxaan cambaareynaaa weeradadii aragaxisadu ay ka geysteen Magaaladda Baydhabo ,iyagoo halkaasi ku laayay dadka aan waxba galabsan,waxaana tacsi u dirayaa ehelada dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan Alle SWT uga baryayaa in Naxriistiisa ka waraabiyo,kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah Allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Isbitaaladda Magaaladda Baydhabo ay u diri doonaan gargaar Caafimaad si wax loogu qabto dadka falkaasi wuxushnimo ku waxyeeloobay sidoo kalena ay maalinta beri ah halkaasi u diri doonaan diyaarad halkaasi ka soo daad gureysa dadkii qaraxyadaasi ku dhaawacmay si loogu daweeyo Magaaladda Muqdisho.

Mudane Maxamed Mursal Sheekha C/raxmaan ayaa sheegay in kooxahan caadeystay daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto ,isagoo shacabka ugu baaqay in ay hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan ciribtirka Kooxdan hororka ah iyo sugida Amaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.