Xaaf oo Xildhibaanadii joogay dhuusamareeb mooshin ka Gudbiyeen

xafsade

Magaalada dhuusamareeb ee Gobalka galgaduud ayaa Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Maamulka galmudug ee Ku sugan Dhuusamareeb ay mooshin ka keeneen madaxweynaha Xaaf, Xildhibaanada ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in xildhibaano gaarayana ilaa 50 Mudane ay saxiixeen mooshin laga Keenay xaaf.

Mooshinkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii Habeen ka hor uu dib u dhac ku yimid Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu waday in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed ducaale Geelle xaaf uu Magacaabo.
Xildhibaan Muxudiin Cali Jimcaale(Jakuula) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Galmududug ee ku sugan Dhuusa mareeb ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Mooshinka ay ka diyaariyeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xaaf ayaa waxaa Horay Xilka uga qaaday Xildhibanada Galmudug ee Hada Kusugan Cadaado Hadana waxaa mooshin ka geeyey Xildhibaanadii kusugnaa Dhuusamareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.