Daawo:Dhaleecayn Loo soo Jeediyey Boliiska Ksimaayo iyo Baaq loo diray Waxgaradka Gaarisa Kenya

madoobe

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu dhaleecayn u jeediyey Boliiska Jubaland gaar ahaan Boliiska ku sugan Magaalada Kismaayo oo ayakoo Dareeskii Ciidamada Boliiska ku labisan watana gadiidkii Booliska Soomaliyeed ay Gaarigooda ka dul lalmanaayey Calankii Jamhada ONLF.

Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Cabdi Maxamed Warsame Deeq Faandhe Ayaa waxuu sheegay Boliiska Soomaliyeed inay yihiin kuwii ka shaqeynayey Amaanka iyo Kala dambaynta waxaana loo ogaylayn inay xirtaan Astaan ama Calaadamo ay lee yihiin Ururo ama koox sidaas darted ay qalad galeen loona bahan yahay inay raali galin ka bixiyaan.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq Faandhe ayaa waxuu kaloo ka hadlay waxgarad Magaalada Gaariso ee dalka Kenya oo ka codsaday Madaxwaynaha Soomaliya inuu Burburinta ka daayo Jubbaland asagoo sheegay waxa Jubbaland burburka, dil, kufsiga, dhaca hantida shacabka iyo dhibatada ku wada inuu yahay axmed madoobe loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii laysu dhaafin lahaa.

ugu dambayntii ayuu Musharaxa jubbaland ugu baaqay in dowlada Soomaliya dar dar galiso dagaalka looga soo horjeedo kooxda argagixisada Alshabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.