Shabab ayaa Toogtay 5 Qof oo ay ku sheegeen inay yihiin Jaajuus

shabab

Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay xukun qisaas ahaa ku fuliyeen Shan nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.
Raggan oo da’dooda ay u dhaxeysay 22 ilaa 36 sano ayaa waxa ay Shabaabku ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen hay’adaha sirdoonka reer galbeedka.

Raggan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla Degmada Jillib ee gobolka Jubadda Dhexe, xilli halkaasi la isugu yeeray dadweyne kala duwan oo daawanayay qaabka xukunka dilka uu u dhacay.
Qaadiga maxkamadda Shabaab ayaa sheegay raggan eedeysanayaasha ah inay maxkamadda horteeda ka qirteen dambiyadii lagu soo eedeeyay, iyadoo isla markiiba rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan rasaas ay ku boobeen raggii oo halkaasi ay ku dileen.
Ragga Shabaab ay toogteen ayeey magacyadooda iyo dalalka ay la kala shaqeynayeen waxa ay ku sheegeen.
1:Cabdi casiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan oo 22 sano jir ahaa waxa ay ku eedeyeen inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Mareykanka.
2-Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sano jir ahaa waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay Bangaraafta Mareykanka.
waxay kale oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay weerar Mareykanku ka geystay magaalada Saakow.
3-Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sano jir ahaa waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay Mareykanka iyo dowladda Federaalka waxay kaloo ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay duqeymo ka dhacay Sh/hoose.
4- Cawaale Axmed Max’med oo 32 sano jir ahaa waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaan MI6 waxay kaloo ku eedeeyeen in uu muddo sanada ah shaqada u haayay dowladda UK, sidoo kale Ninka Jaasuuska ah ayaa maxkamadda ka hor qiray in uu Jaajuusi jiray dad Soomaali ah oo dalka UK deggan markii dambana ay saraakiisha MI6 lacago siiyeen ayna usoo direen Soomaaliya.
5-Cabdu Qaadir Isxaaq Amiin waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay dowladda Federaalka.
Al Shabaab ayaa inta badan xukunada ay ridaan waxa ay yihiin kuwa Hal dhinac ah, iyada oo aysan jirin qofka eedeysanaha ah in loo ogolaado qareen u dooda.
Xigasho Universal tv

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.