Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo U dhoofay Dalka Sucuudiga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya kadib casuumaad uu ka helay Boqor Salman bin Abdulaziz.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo dalka Sucuudiga ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo laba maalin qaadanaysa, ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirrada warfaafinta, arrimaha dibadda iyo ganacsiga iyo xildhibaanno.

Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo ka warbixiyay safarka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare khayre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xariirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobalka iyo guud ahaan caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.