Muuqaal:Guddoomiyaha Barlamaanka somaliya oo kulan laqaatay Ergada qarmada Midooybay ee somaliya

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nikolas Heisam iyo Kaaliyihiisa gaarka ah Anna Risssanen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta QM iyo Golaha Shacabka gaar ahaan sidii baarlamaanka looga taageeri lahaa dhinaca sharci dejinta.

Waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah sidii wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen baarlamaanka dhexe iyo Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada iyo sidii sanadka 2020-ka ay doorasho qof iyo cod ah uga dhici laheyd Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.