dhagayso:Wasiir Maxamed Cabdi Kaliil Oo Sheegey In Ururka Al-shabaab Ay Dadka Lacag Ka Qaadaan Sidii Xoolihii .

Xili Maalmihii Ugu Dambeysey Ay Soconayeen Duqeymo Lala Beegsanaayey Goobaha Inta Badan Lagu Tuhmaayo Ururka Al-shabaab Duqeymahaasi Oo Ay Ugu Dambeysey Mid Xaley Lala Beegsadey Deegaanka Ceelcadda Ee Gobolka Gedo, Taas Oo Ilaa Iyo Xiligaan Aanan La Shaacinin Qasaaraha Ay Geysatey

Marka Laga Tago Warar Hoose Oo Sheegaayo In Duqeymahaasi Lala Beegsadey Goobo Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo Iyo Saraakiil Ka Tirsan Ururka Al-shabaab

Wasiirka Ayaa Wareysigiisa Ku Sheegey In Tobankii Maalmood Ee Igu Dambeysey Duqeymo Ka Dhacey Gobolka Gedo Iyo Sidoo Kale Gobolka Jubada Dhexe Lagu Wax Yeeleeyey Ciidamo Iyo Saraakiil Badan Oo Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab ,

Wasiirka Ayaa Madaxda Soomaaliya Iyo Sidoo Kale Beesha Caalamka Ugu Baaqey Una Sheegey In Meesha Kali Ah Ee Ay Ururka Al-shabaab Ku Xoogan Yihiin Ay Tahay Sadexda Gobol Ee Jubaland Waxaana Uu Sheegey In Shabaabkaasi Deegaanada Looga Saari Karo In Lala Jamhadeeyo Taas Oo Uu Sheegey In Ay Dhawaan Bilaabo Doonaan Dagaalo Jamhadeyn Ah Oo Lagu Wax’yeeleynaayo Ururka Al-shabaab ,

Intii Uu Wasiirka Hadlaayey Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Al-shabaab Ay Qoys’kasta Tiriyaan Dadka Joogo Ka Dibna Qof’kasta Ay Kusoo Dalacaan Lacag Sida Ay Lacagta Ooga Qaatan Xoolaha Nool

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.