Daawo:Dowlada somaliya oo Barmaamijka Isxilqaan ku dhasaysa Matxafka Qaranka

matxafka

Wasiiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Cabdi Canshuur Xasan, ayaa shir gudoomiyey kulan gaar ah oo ay isku yimadeen guddiga Abaabulka Qorshaha isxilqaan ee lagu dhisayo Matxafka Qaranka, kaa oo looga hadlayey dar-dar galinta Qorshaha dib u dayactirka iyo dhismaha loogu samaynayo xaruntaas.

“Sanadka soo socda bartamihisa waxaad arki doontaan Xaruunta Matxafka qaranka oo dhisan isla markaana ay u dhamaystiran yihin dhammaan aqabyadiisu,” ayuu yiri wasiir Canshuur.

Guddigan oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi canshuur ayaa ka shaqayn doono sidii dib-u-dhis iyo dayactir loogu samayn lahaa Matxafka Qaranka oo ka mid ah xarumihii ku burburay dagaaladii doo maray dalkeenna, iyadoo isla maanta kormeeray dhismaha Matxafka Qaranka oo ku yaala degmada Warta nabadda ee gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.