Dhageyso:Kaliil oo Kabaha Kula tuntay Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Axmed Madoobe

kaliil

Wasiir Dowlaha Aminga Jubbaland Mudane Max’ed Cabdi Kaliil ayaa waxuu ka jawaabay Hadal kasoo yeeray Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Cabdirashiid Janan) oo dhawaan dhaliilo usoo jeediyey Dowlada Federaalka.

Wasiir Dowlaha Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi kaliil ayaa sheegay inay nasiib daro tahay dhaleecaynta kasoo yeertay wasiika Aminga Jubbaland Cabdirishiid Janan Qofka waxuu garanyo inuu ka hadlo baa fiican, Haduu Wasiirka Janan Yaqaano habdhaqanka Dowlada saas uma hadleen lakiin waxaa u gaystay hab dhaqanka Ururnimada taas baan u talinayaa inuu dowlada ku sheego waa dowlada Facebooga iyo ayadaa amaan darada ka masuula.

Wasiir Dowlaha Jubbaland Kaliil ayaa sheegay in dowlada Somaliya ay wax kaqabatay Arrimaha Siyaasada, Aminga wax badan bay qabatay iyo arimaha Horumarinta, Gedo waxay dowlada ka qabatay aminga Ciidamada ugu badan ee jooga Gedo waa kuwii dowlada Federaalka.

Wasiir Kaliil ayaa ku eedeeyey Wasiirka Aminga Janan inuu ka masuul yahay Amni darada kajira Ceelwaak iyo kala xirnaanta Gobolka Gedo waana shaqadiisii oo gabay mana ahan Wasiirka Amniga jubbaland inuu ku hadlo waxuu rabo.

Ugu dambantii wasiir Dowlaha Aminga Jubbaland Kaliil ayaa sheegay Wasiirka Aminga Jubbaland inuu ahaa wiil yar xiligii Itixaadka mana garanayo dowladnimada iyo wax laga soo maray hadalka kasoo yeeray Cabdirishiid Janan Cid uu ku matalo majirto asagay gooni ku tahay buu dhahay Wasiir Kaliil.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.