WasiirKii Qorshaynta Soomaliya ayaa Noqday Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

WASIIR

wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku guuleystay in uu kamid noqdo gollaha shacabka Soomaaliya isagoo maanta ku soo baxay kursi kamid ah kuraasta Baarlamanka oo maanta loogu tartamay Garowe.

Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ku dhawaaqay in wasiirka wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarLamaanka federaalka ah waxaana u codeysay 49 ergo halka Musharaxa la tartamaayey uu helay 2 Cod.

Kursigaan uu kusoo baxay Wasiirka qorshaynta Soomaliya ayaa waxaa aad loo saadaalinaayey inuu ku guulaysto kadib markii xildhibaankii lahaa iska casilay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.