Dalka Faransiiska oo Safiir Cusub usoo magacaabay Soomaliya

wasiir

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka Gudoomiyey Safiirka cusub ee France usoo magacowday Soomaaliya Marwo Aline Kuster-Menager.

Safiiradda cusub ee dalka France usoo magacowday dalka soomaliya Aline Kuster-Menager waxa ay ka mahadcelisay habka loogu soo dhoweeyay Somaliya waxayna balan qaaday in dadaal ballaaran ku bixin doonto sidii ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo France u dhexeeya.

Wasiirka arimaha dibada Soomaliya Axmed Cawad ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay, waxuuna rajo ka muujiyay in Danjirad Aline horumarin doonto xiriirka Soomaaliya iyo France.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.