Qarax Miino oo Sababay Dhimasho labo ilmo ah ayaa ka dhacay Gobolka Galgaduud

qarax

INAA LILLAAHI WA UNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Waxaa goor dhaw Deegaanka Balli-cad ee dhinaca Bari kaga toosan Degmada Dhabad qiyaastiina u jirta 11.kilomitir ugu geeriyooday Qarax miino FARXIYO MAXAMUUD MIRE oo 15 jir ah iyo SHAAFICI NAXAMUUD MIRE oo jira 13 Sano oo ahaa walaalo isku xigay.

RUQIYI JAAN’GO’AN FAARAX oo ah hooyada dhashay ilmaha Geeriyooday oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijisay geerida ilmaheeda waxaana ay tiri Waxaa uga dirsaday Baliga Balli-cad biyo wax yar bay iga maqnaayeen Waxaa intii ay sii socdeen dhacay qaraxa miinada.

Waxay Hooyo Ruqiya oo sii hadlaysa ay tiri ‘Waxaan u maleynayaa inay kala dhex baxeen miinada Geed Naxareeb ah oo ay garaaceen, Qaraxa markii aan maqlay waan ku dhawaa, waxaana dul imid wiilka oo mayd ah iyo gabadha oo ay ku daba yar tahay.

Iyadoo aan la baajin karin qadarta Eebe, Hadana Runtii waa arin murugo iyo Naxdin leh Miinada Qaraxday ayaa la tuhunsan in waqti hore la aasay. waxaana deegaankaasi uu ahaa goob dhawr jeer ay isku fara saareen Dadka reer guuraaga ee Dagaalka daaqsinta ka dhashaa uu ku dhex maray aagaasi in Muddaa.

Waxaan Alle oga baryayaan inuu ka samir siiyo HOOYO RUQIYO IYO Aabe MAXANUUD Geerida ku wada timid.

warbixintaan waxaa Caabudwaaq kasoo diray Naftaada Nabada Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.