Daawo:Ra’iisul Wasaara Khayre oo la kulmay ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabishan Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga cusub ee Xoghahaya guud ee Qaramada Midoobay usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Nicholas Haysom ayaa ka wada hadlay wada-shaqaynta iyo dardar gelinta qorshayaasha qaranka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan xafiiskayga kusoo dhaweeyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, Nicholas Haysom. Waxa aan rajaynayaa in aan si wadajir ah uga shaqayno qorshayaasha qaran” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres ayaa dhawaan Nicholas Haysom, waxa uu usoo magacaabay wakiilkiisa Soomaaliya, waxa uuna bedelay ergaygii hore, Michael Keating oo dalka ka howl gelayay laga soo billaabo 2016.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.