Axmed Taajir oo Cambaareyey Duqayntii Ceelcade Baaqna Udiray Xildhibanada Jubbaland

axmed

BAAQ CANBAAREYN AH:
Waxaan canbaarynayaa duqeyntii aan loo meel dayin ee loo geystey shacabka reer Gedo intii ku dhaawacantayna Waxaan ilaahey uga baryayay caafimaad Deg Deg ah aamin yaa rabbi.
Waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada Jubbaland qaasatan kuwa matala Gobolka Gedo in ay ka hadlaan dhibaatada lagu hayo shacabka reer Gedo iyo duqeymaha maalin kasta lagu dhibaateeyo shacabka reer Gedo, waana masuuliyad idiin saaran oo ilaahey idin kula xisaabtami doono maalinka yoomal qiyaamo shacabkiinana idin kula xisaabtami doono insha Allah.
Waxay aheyd mar aan ku booqanay isbitaalka guud ee Kismayo dhawwac la keeney oo diyaaradaha aan dadka wadin Ku duqeeyeen Tuulada Waraabeys oo ku taala duleedka Afmadow, ka dibna Waxaan qabanay shir jaraa’id oo aan Ku cambaareyneyno duqeyntaas iyada oo ay geeysteen ciidanka Mareykanka.
Ugu danbeyn Waxaan ugu baaqayaa maamulka Jubbaland in ka hadlaan waxba ka qabataan dhibaatooyinka shacabka lagu hayo iyo duqeymahan aan loo meel dayin in laga aamusnaadana aan sax aheyn dadka iyo Dalka masuuliyad ayaa idinka saaran taa ha la ogaado.
Wabilaahi towfiiiq,
Axmed Xasan Cabdi (Taajir).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.