Madaxweynah Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Ciraaq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dalka Ciraaq Barham Saalah.

Mudane, Farmaajo ayaa u rajeeyay inuu Madaxweyne Barham xilkiisa u fududeeyo, isla markaana Shacab weynaha Dalkaasi uu u noqdo mid ay mahadiyaan.

Madaxweynaha Cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah, ayaa ah siyaasi caan ka ah Dalkaas, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee [Patriotic Union of Kurdistan], waxanay xildhibaannada Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah codkooda siiyeen hoggaamiyaha cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.