Daawo:Xildhibaan Cabdi shire Dowlada Uma Gurman shacabkii Iska Caabiyey shabab

XildhibaanCabdi shire Jaamac oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaal Shacab is aruursaday iyo Shabab ku dhex maray deegaano ka tirsan Aadan Yabaal iyo Cadale ee katirsan Deegaanka Hirshabeele kuwaas oo u istaagay sidii ay iskaga Caabin lahaayeen kooxda Argagixisada ah ee Shabab.

Xildhibaan Cabdi shire ayaa Yiri Mudane Gudoomiye, Mudaneyaasha sharaftaleh.

Waxaan u istaagay dareen uu i farayo xilka iyo masuuliyadda Xildhibaan ee aan u hayo umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan. Ka sakow in layga soo doortay deegan gaar ah, taasi igama reebayso in aan guto masuuliyadda qaran ee i saaran.
Sida ku cad Qodobka 61aad. XILKA XUBNAHA BAARLAMAANKA, FAQRADIHIISA (1) IY0 (2) PAGE 33.

Mudane, Gudoomiye
Waxaa walaac iyo uur ku taallo gooniya igu haysa, in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan ka jawaabin qayladhaantii ka timid shacabka Soomaaliyeed ee iskood isu abaabulay ee deegaanada Aadan Yabaale si ay ubadkooda uga difaacdaan cadwoga Soomaaliyeed ee diinta ku gabanaya.

Todobaadyo ka hor, waxaan baraha bulshada ka daawanay is difaac maxallili ah oo la baxay “MACAWISLEEY”, kaasoo markii ay wax ka difaaca Shabaab waayeen, iskood isu difaacay.

Waxaa ayaan darro ah in Xukuumaddii shanta Soomaaliyeed looga dabbaaldagey wax ay ka difaacdo daaye aysan saanad iyo gurmad la gaarin.

Waxaa kaloo ayaan darro ah in Maamul guboleedyado ay noqdeen isbaaro ku hor go’an nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan ka codsanayaa in golahaan uu xoojiyo difaaca iyo wax iska caabinta maxalligaa ee dalka ka socda.
Mahadsanid Gudoomiye

Xildhibaan Cabdi shire waxa uu sheegay Shacabka is aruursaday oo la Magac baxay Macawuusley inay dowladda soomaaliya dadkaasi ay ka waayeen taageero millateri isla markaana la dayacay maamul Goboleedyada ay noqdeen caqabad waxuuna Xildhibaan cabdi shire tacsi udiray Hibaad Cali oo ahaa horjoogihii Macawisley.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.