Daawo:Madaxweynaha Puntland ayaa u dhoofay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

gaas

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu safar shaqo ugu anba-baxay magaalda Nairobi ee Dalka Kenya, Madaxweynaha Dowladda Puntland Safarkiisa magaalda Nairobi ee Dalka Kenya waxaa ku wehelinayey qaar kamida Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Gaas ayaa waxaa Garoonka Diyaardaha ku sii sagootiyey Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiye ku xigeenada koobaad iyo labaad ee golha wakiilada Dowladda Puntland, qaar kamida goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.