Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo cambaareeyay Axmed madoobe oo Markab Dhuxul Geeyey Ciraaq.

dhuxul

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan Baale oo war-saxafadeed soo saaray ayaa xaqiijiyay iney si qoto dheer kaga wallaacsan yihiin markab ay ku raran yihiin 200,000 Kiish oo dhuxul ah oo ka soo shareecday mid ka mid ah Dekadaha Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Kismaayo,kaasi oo ku xirtay Dekadda Ciraaq ee Umm Qasri.

Safiirka ayaa cambaareeyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dhoofinta sharci darada ee dhuxusha Soomaaliya oo ,wuxuuna sheegay in arrintaan dhibaato ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, maaddaama dhoofinta dhuxusha ay tahay ish ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo gelo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida.

Markabka ayaa la sheegay inuu wato Document been abuur ah oo muujinaya inuu ka yimid dalka Chana.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday xukuumadda Ciraaq inay dedejiso baaritaannada ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo Kiiska Markabka.

Soomaaliya waxay si isku mid ah ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay taageeraan dadaallada looga hortagayo ka ganacsiga sharcidarada ah iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.