Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaliya.

gaas

Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe Ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaliya.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 1 October 2018 qasriga madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay
Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador AndreasVon Vexkull.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.
Kulankan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland laqaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaliya, ayaa looga hadlay mashaaricaha ay ka fuliso Dowladda Sweden Puntland oo ay fududayso Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa sida brnaamijyada caafimaadka iyo horumarinta haweenka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weftiga ku soo dhoweeyay madaxtooyada, ayaa soo dhowaynta kadib uga xog waramay xaalada guud ee Soomaaliya iyo horumarka baaxada leh ee kasocda Puntland.
Ambassador AndreasVon Vexkull ayaa Dawladda Puntland uga mahad celiyey wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa dawladiisa, sidoo kalena uga hambalyeeyey horumarka baaxda leh ay ku tilaabsatay Dowladda Puntland shantii sano ee ugu danbeysay iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadatay geedi socodka nabada Soomaaliya, taabagelinta dimuquraadiayada iyo xal uhelida isu dheelitirka xuquuqda raga iyo dumarka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey Danjiraha booqashada uu ku yimi Puntland, sidoo kalena dowlada Sweden uga mahad naqay Danjire Ambassador AndreasVon Vexkull, Mashaarica horumarineed ee ay dawladiisu ka fuliso Sweden Puntland.
Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Wasiir Shire Xaaji Faarax oo shirka kadib ka warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay ayaa waxaa hadaldiisa kamid ahaa”
“Galabtay waxaan qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland kula shirney Safiirka Dowladda Sweden oo ah saaxiib Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Puntland oo ah Dowladaha aadka u caawiya Soomaaliya ay Puntland tahay meelaha ay aadka wax uga qabtaan, berina waxaan leenahay shir aad u balaadhan oo aan ku qabanayno xarunta cilmi baarista ee PDRC oo lagu soo bandhigayo buug la yiraahdo (Gender Biglet) isku dheeli tirka lab iyo dhadiga kasoo wax badan looga hadli doono aadna akhrisan doontaan”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.