Kenya oo sheegtay inay dileen 10 Ka tirsan Alshabab Ah

Ugu yaraan 10 xubnod oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal Maanta oo Isniin ah ka dhacay Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya.

Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya oo lagu Magacaabo,Paul Njuguna ayaa sheegay inay xubnahaasi ka tirsanaa Al-shabaab laayeen xilli ay howlo gaaf meer ah ka wadeen waqooyiga Lamu.

“Qiyaastii 06:45 a.m., ee Maanta ayay ciidamada difaaca ee KDF weerareen degaanka Taksile oo ka tirsan Lamu, halkaas oo ay ku sugnaayeen Malleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri Afhayeenku.

Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay Malleeshiyadaasi ka furteen Toddoba Qori oo nooca AK47 ah iyo saanad ciidan.

Paul Njuguna, ayaa sheegay in Ciidankoodu uu Saddex ka mid ihi dhaawac kassoo gaaray iska hor imaadka dhex maray iyaga iyo Malleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.