Daawo:Jubbaland waa Magac kuyaal aan waxba tari karin waxaa dhahay wasiir katirsan jubbaland

axmedmadoobe

Dhawaan bay ahayd Markii Ciidamada Kenya ay dilal, dhac, Kufsi iyo Burburin hantiyeed ka gaysteen Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo, dhibaatooyinkaa ay gaysteen Kenya ayaa waxaa waxbadan ka hadlay Shacbaka Soomaliyeed gaar ahan kuwa Jubbaland.

Wasiir Qorshaynta Jubbaland Awhirsi oo waraysi dheer siiyey Telefishinka STN ayaa waxaa la waydiiyey kufsiga ka dhacay Gedo oo ay geesteen Kenya maxaad uga hadli waydeen Maamul ahaan waxuu ku jawaabay wasiir Awhirsi Maamulka Jubbaland ma awoodaan inay wax ka qabtaan dhibka Kenya Geysatay.

Wasiir Awhirsi oo waraysigiisu ahaa Mid aan Horay loo arag kuna Cusub Saxaafada Soomaliya qofkii daawadana layaabi doona ayaa waxuu ugu dambayntii sheegay in gobolka Gedo Madaxdii Shabab Joogaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.