Top News:Axmed Madoobe oo sheegay inuu diyaar u yahay wadahadalo uu lagalo Dowlada Federaalka

axmed madoobe

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed madoobe ayaa waxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadadhadalo aan sharuud ku xirnayn inuu la galo dowlada Federaalka Soomaliyeed si loo soo afjaro is fahan waagii soo kal dhexgalay Madaxda maamul goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah ee soomaliya.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada jubbaland oo ku kusaxiixnaa Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo loo kala diray Xafiiyada Madaxwaynaha iyo Ra’iisalwasaaraha Soomaliya ayaa waxaa lagu sheegay iyadoo loo danaynayo shacabka Soomaliyeed mudnaantana lasiinayo sidii kooxaha argagixisada alshabab looga saari lahaa deegaanada ay kusug yihiin waxaa maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay inay wadahadalo aan sharuud ku xirnayn ay lagalayaan dowlada Fedraalka Soomaliya.

Dhawaan bay ahayd markii Madaxwaynaha Hirshabeele Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho uu sheegay in khilaafkii kala dhaxeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya ka heshiiyeen.

Waxaa Kaloo lasugayaa Maamlmaha soo socda in Madaxwaynaha Galmudug Xaaf inuu soo gaaro Magalada Muqdisho isagoo u imaanaya sidii loo soo afjari lahaa qilaafka madaxda Galmudug udhaxeeya iyo kan dowlada Federaalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.