Daawo:Musharaxa Madaxweynaha Puntland Abdi Farah Juxa oo Soomaalida Columbus la Kulmay

Musharaxa Madaxweynaha Puntland ee 2019 Abdi Farah Juxa oo maalamahan ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa xalay la hadlay Soomaalida Columbus Ohio

Musharax Juxa waxaa soo dhaweeyay Jaaliyada Columbus oo uu markii Hore a tirsana waxayna u muujiyeen sida ay u garabtaaganyihiin isla markaana ugu faraxsanyihiin hamigiisa siyaasadeed ee Puntlan.

Qaarkamid ah dadkii ka hadlay xaflada Juxa waxa ay Juxa fareen fariimo ku aadan sida loogu hamuun qabo Soomaaliya oo is badasha lagana gudbo caqabadaha hortagan Soomaaliya oo mid ah lana jaan qaada caalamka.

Waxa uu balan qaaday in hadii uu ku guulaysto Madaxnimada Puntland uu la imaan doono isbadal iyo biseeyl aan horey looga baran madaxdii ka horeeysay.

Musharax Juxa waxa uu ka sheekeeyay xaalad dalka arimaha maamul goboleedyada, Dowlada dhexe iyo halka loo socdo.

Inkasta oo uu dowlada ku dhaliilay doorkeeda Maamul goboleedyada hadana waxa uu muujiyay in Soomaaliya ay ka timid meel fog.

Maamulka iminka ka jira Puntland ayuu Musharaxu ku tilmaamay mid aan gaarsiin Puntland halkii laga filayay mudo shan sanaa isla markaana uusan doonayn in uu si hoose u sharaxo waxa qaldan.

Mudane Juxa waxa uu soo noqday Wasiirkii arimaha gudaha ee dowladda hadda Jirta waxa uu wasiir hore ee wax barashad aka soo noqday Puntland waxa sidoo kale uu ahaa Saxafi ka soo shaqeeyay warbaahinta Soomaaliya xili hore iminkana waa Musharaxa Madaxweynaha Puntland.


juxaa

juxaa

juxaa

juxaa

juxaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.