class="post-template-default single single-post postid-45718 single-format-standard">
Gedo Times

Daawo:Dowladda Soomaliya ayaa Amar kubixisay in Suuqa Kaluunka loo Furo Kaluumaystada

cabdicasiis

Dowladda Soomaliya ayaa dag dag uga Jawaabtay Banaanbaxyo sadaxdii Maalmood ee lasoo Dhaafay ka soconayay Magaalada muqdisho kuwaas oo dalbanaayey in loo furo suuqa Kaluunka Magaalada Muqdisho kaas oo kaluumaystada lag hor istaagay inay isticmaalaan.

Madaxda ugu sareysa Dowlada Soomaliya ayaa waxay amar ku bixiyeen in Shacabka Soomaliyeed ee kaluumaysatada ah aan laga xiri Karin Suuqa Kaluunka, waxayna amar ku bixyeen in lasoo qabto dadkii ka dambeeyey in laxiro Suuqa Kaluunka.

Gudoomiyaha Degmada Cabdi Casiis Sharmake Ladane ayaa waxuu gaaray suuqa kaluunka halkaas oo kula hadlay Kaluumaystada waxuuna u sheegay in suuqa kaluunka u furan yahay shacabkana dalabkooda la fulinayo cidii ka dambaysay dhibkaana baaritaan lagu sameynayo.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.