MaKtabada Garbahaaray oo 100 Buug ugu deeqday Maktabada Afmadoow

afmadow

Maktabadda guud ee Garbahaarrey waxay bogaadinaysaa yagleelida Maktabadda guud ee Dagmada Af-madow, taas oo noqonaysa Maktabaddii seddaxaad ee laga sameeyo deegaanada Jubbaland.
Maktabadda Guud ee Garbahaarrey ayadoo ka duulayso waajibaadka ka saaran Kobcinta akhriska iyo Qoraalka iyo wacyigalinta bulshada, waxay ugu deeqaysaa Maktabadda Af-madow yabooha ugu horreeyo oo ah 100 Buug.
Sidoo kale Maktabadda Garbahaarrey waxay ku boorinaysaa Qoraayaasha, Dadka daneeya akhriska iyo qoraalka iyo guud ahaan Bulsha waynta soomaaliyeed in ay ka qeyb-qaataan dhameystirka howlaha Maktabadda Af-madow.
Ugu danbayn: Maktabadda waxay umahd-celinaysaa Aas-aasayaasha Maktabadda Af-madow, waxayna urajaynsaa bulshada reer Af-madow in ay ka faa’idaysan doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.