Daawo:Rugta Ganacsiga Jubbaland oo lagu daray liiska argagixisada

jubaland

Warbixin cusub ee Qaramada Midoobey ay soo saartay ayaa sheegaysa dhuxusha ay soo jaraan kooxda Al-shabaab in laga dhoofiyo dekadda Kismaayo taas oo Al-Shabaab ka sameeyaan Maalaayin doolar, waxaana Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaaraka ah ee jubbaland ka dhooftay 12 Bilood ee lasoo dhaafay dhuxul aad u tiro badan.
Warbaixintaan ayaa Xustay in Runta Ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland oo ah Hay’ad uu sameystay Madaxwaynaha jubbaland Axmed Madoobe inay ka masuul tahay dhoofinta iyo iibgaynta dhuxusha halka Kooda Alshabaab qaabilsan yihiin soo jarista iyo keenista Dekada Magaalada Kismaayo.

Waxaa Kaloo warbixintaan ay sheegtay in baaritaan ku socdo Runta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaliya taas oo xariir wadashaqeyn la leh Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland.
Qaramada midoobey ayaa sheegay inay isticmaaleen sawiro lagu qaaday dayax-gacmeed si cadeymaha loo uruuriyo, ayna warar ka heleen dad ka gudaha Magaalada Kismaayo kusugan iyo kuwa Kismaayo Banankeeda kusugan, dhawaan bay ahayd Markii ay qaramada Midoobay ay digniin udirtay Maamulka Jubbaland inay joojiyaan dhoofinta Dhuxusha.
Hoos kadaawo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.