Ciidanka Xoogga Dalka oo khaarajiyay Maleeshiyaad ka tisan Alshabaab.

-Ciidanka Xoogga Dalka oo dhawaan howgallo ay ka fuliyeen Deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxay ku dileen 16 maleyshiyaad ah oo uu ku jiro horjooge sare oo ka tirsan Ajaaniibta Kooxda Alshaab.
Taliyaha Qeybta 12 April ee Ciidanka Xoogga dalka sareeye guuto Cumar Dheere oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xaqiijiyay in howlgalka degaanka Jilib marko lagu dilay horjooge u dhashay dalka Afgaanistaan, kaasi oo lagu magacabo Naasir Aljaabiri.
Abaandullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo goob fagaaro ah kula hadlay dadka ku nool deegaanada Alshabaab laga saaray ee hoostaga dagmada Marka ayaa sheegay in ay dhamaatay hantidii baadda ahayd ee Al-shabaab ka qaadi jireen shacabka ku dhaqan deegaanadaasi.
Sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka lagu xoreeyay degaanadan lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, islamrkaana howgaladan ay sii socon doonaan inta laga xoreynayo deegaanada wali ku harsan gacanta kooxdan Argagixsada ah.
Wariye C/waaxid Axmed Geeddi oo ka tirsan Idaacadda Codka Ciidammada Qalabka sida lana socda Ciidamada Howgalka ka wado halkaasi ayaa sheegay in Shacabkii dhibka ku qabay marista Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko ay aad u soo dhaweeyeen dhibka laga dulqaaday, islamarkaana hadda Xaaladda deegaandii laga xoreeyay Alshabaab ay deggan yihiin.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howgallo ka wada deegaanada ku harsan Gacanta Kooxdan arxanka daran ee Alshaab iyagoo dilay horjoogyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxdaasi.
Warkii warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.