Axmed Madoobe ayaa 6 Sano kadib Gaaray 6 Kilomitir

madoobe

Hogaamiyaha Fashilmay ee ka arimiya Magaalada Kismaayo Axmed Madoobe ayaa 6 sane kadib ay usuurto gashay inuu gaaro 6 kilimitir oo ka baxsan xarunta ku meel gaarka ee maamulka jubbaland ee Kismaayo isagoo booqday Xeryo Duleedka Kismaayo ah.

Maamul xumida hogaanka Axmed Madoobe ayaa waxay keentay ammaan darro, horumar la’aan iyo in mugdi iyo shaki kala galay beelaha wada dhistay Jubbaland, taasna waxay keentay in Magaalada Kismaayo ay go’doon gashay oo ay Alshabab Dhinac kasta ka fadhiyo waxaana adkaaday Noloshii iyo dhaq dhaqaaqa Bulshada.

Axmed Madoobe waxaa uu ka Masuul yahay qorsho masaafurin oo Masuuliyiin, Odayaal, dhalinyaro iyo Siyaasiyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo inta la xiro laguna yiraahdo waa shabaab qaarna Kismaayo laga masaafuriyo, waxaa kaloo Axmed Madoobe ka masuul yahay Dilal qorshaysan, Kufsi iyo Boob hantida shacabka Jubbaland.

Degmooyinka Jubbaland into badan ayaa waxaa ka dhacay Bananbaxyo looga soo Horjeedo Hogaanka Sarre ee Jubbaland kuwaas oo kadhacay Baardheere, Buurdhuubo, Ceelwaak, Afmadow, Dhoobley iyo Garbahaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.