Akhriso:Shariif Xasan oo ku qanciyey Cabdiwali gaas inuu Raali Galin kabixiyo Aflagadadii uu ugaystay Koonfur Galbeed

shariif

Dhawaan Bay ahayd Markii Madaxwaynaha Maamulka Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland Cabdiwali Gaas uu Hadalo aan fiicnayn saxafada u mariyey Bulshada Koonfur galbeed asagoo sheegay <<Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, lamana yeeli karo>>  Hadaladaas kasoo yeeray Madaxwayne Gaas ayaa waxaa aad ugu Xumaaday qaybaha Kala duwan ee Buslhada koonfurgalbeed oo ay ku jiraan Siyaasiyiin iyo  Xubnaha barlamaanka Dwolada Soomaliya ee laga soo doorto Maamulka KoonfurGalbeed.

Madaxwaynaha Maamulka koonfur Galbeed Shariif Xasan oo Qadka Telefanka kula xariiray ayaa waxaa Marka Hore u sheegay Madaxwayne Gaas in hadaladaas kasoo baxay ay ahaayeen mid anan udanaynayn labada Bulsho loona baahan yahay in raali galin laga bixiyo taas oo uu Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas uu soo dhaweeyey.

hadaba Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si buuxda shacabka iyo Dawladda Koonfur-galbeed ee Soomaaliya kaga raali galiyey hadalkii ay dhibsadeen.
Hoos ka Aqriso raaligalintii Cabdiwali Gaas.
gaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.