Hogaanka saree Gal-Mudug waa inuu kalagartaa cadowgooda iyo saaxiibkood!

Hordhac/Gogol-Dhig
Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, aqristoow sideedaba, marka aad ummad dhan hogaamiye utahay, waxaa muhiim ah inaad fahmikarto, meesha eey kujirto danta dadka, iyo deegaanka aad matasho, qorshe-siyaasadeedkii lagu xaqiijin lahaana latimaado, hadiise xisaabta isaga kaa khaldanto, waxaad gacmahaada kuburburineeysaa danahii ummada aad hogaanka u aheyd, waxaana suurtagal ah, in aad jeebka ugu dhacdo, oo aad madiidan, iyo sumeeynu-dhaan-raacday unoqoto, duul kaloon wadin danta deegaanka aad matasho.Waa arinta heeysata hogaamiyaha maamulka Gal-Mudug: Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Soomaaliduse usoo gaabsato: Xaaf.
Hogaanka maanta ee Gal-Mudug (Xaaf), wuxuu kala garan la’yahay, cadowgiisa iyo saaxiibkiisa. Wuxuu jeebka ugu dhacay, koox aan danta maamulkiisa wadin, xaqiiqdiina cadowga koobaad ee Gal-Mudug ah. Waxaa lookaashanayaa in dowlada dhexe lagula dagaalo, ama ugu yaraan lagu jageesto, iyadoo kooxdaani rabto, ineey dowlada dhexe umuujiyaan, ineey maamullada kaloo dhan ku abaabulikaraan, sidaa daraadeedna tahay, in dowlada dhexe ufuliso, danahooda gaarka ah.
Xaaf wuxuu maanta jeebka ugu dhacay, oo madiidan, iyo sumeeynu-dhaan-raacday unoqday, Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ah isla ninkii shalay dadaalka ugu badan kubixiyey, in maamulkaa aanu dhismin. Waa isla ninkii shalay buuq, iyo sawaxan meelkasta la taagnaa, iyo in maamulkuba sharcidaro yahay, oo dastuurka aanu waafaqsaneyn. Ogoow hade waa ninkii dhowrka mar dagaalka kusooqaaday, iyadoo maamulka Gal-Mudug curdan yahay, si uu ukala daato. Waa kuwii ujaasuusay ciidamada cirkee Mareeykanka, kunasoo hogaamiyey, taasoo keentay in wiilal ciidamada maamulka Gal-Mudug ah, Mareeykanku ulaayo sidii ineey argagixiso, iyo Al-Shabaab yihiin. Markii waxaa oo dhan wadashaqeyn waayeen, ayuu Gaas kudadaalay inuu maamulka sikale udumiyo, sidaana Xaaf ugu qanciyey, inuu kusoobiiro gole doowlada dhexe lagula loolamayo, oo uu Gaas dhisayo, taasoo keentey in mas’uuliyiintii maamulka kala jabaan (Divide and conquer), heer xaalku gaaray, in dhamaan mas’uuliyiintii maamulka ugu sareeysey-Marka Shaakir laga reebo-Xilka ka kala qaadaan, baarlamaano kala fadhiya magaalooyinka Dhuusamareed iyo Cadaado. Marka uu Cabdiweli Gaas waxaa oodhan maamulka Gal-Mudug umaleegayo, Xaaf wuxuu ku koox yahay Cabdweli Gaas. Markuu Gaas garwaaqsaday nooca hogaan ee Xaaf, ayuu maantana ugu daray inuu kusoo qaado dagaal dhaqaale (Economic war), iyo sidii loo curyaamin lahaa Dekada Hobyo, ee lagu talajiro in maamulka Gal-Mudug loodhiso, iyadoo dakad aad ugu dhow, looga garab dhisayo magaalo xeebeedka Garacad, ee isla gobolka Mudug ah. Wuxuu sidoo kale kuxumeeynayaa reer Bariga Boosaaso, ee mudo dagaalka xun uu kaladhexeeyey, illaa eey sameeyeen kacdoon lamagacbaxay: “Kacdoonka Beelaha Bari” ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaanay “KBB”, hogaamiyana uu u ahaa: Cabdisamad Maxamed Galan, kadib markuu Cabdiweli Gaas cidkastoo reer Bari ah kasifeeyey madaxtinimada gobolka Bari, iyo xilalkii kale ay kawada hayyeen, guud ahaan maamulka Puntlad, isagoo kuwada badalay ilma-Adeeradiisa kawada yimid gobolka Mudug. Waxaa sidoo kale jirta inuu juffadiisa hoose larabo inuu uga tago Dakad dhaxal ah oo ugaar ah, xitaa hadaanu xukunka kusoo noqon, illeen qabyaaladu sidii basal lafiiqay beey hoos usiidagtaaye.
Xilligii mudane C/Kariin Xuseen Guuleed hogaamiyaha u ahaa Gal-Mudug, maamulku wuxuu si wanaagsan ula shaqeeynayey, xukuumadii xiligaa jirtey ee Qabyo/Damjadiid. Xiligaa weey fududeyd in madaxda maamulka Gal-Mudug kahelaan dowlada dhexe, wixii eey rabaan suurtagalna ah. Waa sax in mudane C/kariin Guuleed ka mid ahaa madaxda ugu sareeysa ee Damjadiid, xukuumadii Qabyo/Damjadiidna murug iyo maalba kubixisey in maamulkaa dhismo, mudane C/Kariin Xuseen Guuleed-na madax ka noqdo, hadana danta guud ee ah in maamulku dowlada dhexe aan looga dhawaan, ama looga turjumin, wuxuu rabana kahelo, dowladana hesho maamul lashaqeeya, waa lagu guuleeystay, foowdada maanta xirkaha goosateyna majirin. Mudane C/kariin Xuseen Guuleedna waakan iska casilay markii lagu kacay, intuu maamullka Gal-Mudug gaari lahaa meesha aadka uu foosha xune maanta Xaaf iyo hogaan xumidiisa gaarsiiyey.
Talo soojeedin (Recommendations)
1-Waa in shir degdeg ah isugu yimaadaan, dhamaan oday-Dhaqmeedyada beelaha walaalaha ah ee kumidoobay, wada dhisteyna maamulka Gal-Mudug, gaar ahaan Ugaasyada, xaliyaana qaska iyo foowdada xargaha goosatay, ee kajirta maamulka Gal-Mudug.
2-Sidii hore udhacdayba waa ineeysan beesha Xaaf kadhashay qaban shir beeleed gaar ah, oo Xaaf lagu taageerayo, ama lagu badbaadinayo, laguna weerarayo madaxda kalee kasoo horjeeda iyo dowlada dhexeba, taasoo waxoo dhan foolxumeeyneeysa, ummadana siikala fogeeyneeysa. Sidii kii odey-dhaqameedyada caanka ah kujireen sida: Abuukar Ganeey, oo ah gudoomiyaha odayaasha dhaqan beesha Habargidir, ugaaska beesha Ceyr: Cabdi Daahir iyo garaadka beesha Sacad: Qoorweyn, kana dhacay xamar, gaar ahaan Hotel Saxafi, taariikhdu markeey aheyd 26-kii September 2017-ka, qabyaalad qayaxana kula safteen Xaaf, kuna weerareen dowladii dhexe, iyagoon habayaraatee wax dhaliil ah aan usoojeedin Xaaf, soona hadal qaadin, xitaa mas’uuliyiintii maamulka GM ugu sareeysey, ee uu Xaaf mooryaannimada kula kacayoo iska xirxirtay, oo nasiibdarro! Markaa odayaal-beeleedkaasi shirayaan uxirnaa Xaaf.
3-Hogaanka xilka laga wada qaadaye maamulka Gal-Mudug, waxaa ku haboon ineey khilaafkoosa sihoose uxalistaan, hadii odayaashaa kusoobaxaana udhago nuglaadaan, hadiise taa dhiciweeyso, waa muhiim in Xaaf oo mushkilada asalkeeda ah lagu qanciyo inuu iscasilo, ama go’aan mideeysan laga wadaqaato, xitaa hadii danta loo arko in dhamaan inta xilka iska kala qaaday, meesha kawada baxaan, si Xaaf looga badbaadiyo maamulka, waa xal. Mahadsanidiin.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).
Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

cabdiboqor

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.