Gadoodka Ciidanka Jubaland waa Gar waana inuu Maamulku ka Garaabo

Gadoodka ciidamada JL waa arrin in badan soo noqnoqotay. Waxaa lama huraan ah in aan la fududeysan tabashada ciidamada, si dhab ah loo darso, wax la’iska weydiiyo waxa sababay in aay gadoodaan, sida ugu dhaqsaha badanna loo soo afjaro.
Ciidamada ma ahan in loola dhaqmo sidii looma ooyaan gacan ku sameys ah ama lagu farsameeyo -“laboratory” maamulka Kismaayo leeyahay (cloned army/ الجيش المستنسخ) oo aan dareen iyo damqasho midina aan lahayn.

Waxay muddo 7 sano ah go’doon ka ahaayeen guryahoodii, waalidiintoodii, walaalahoodii, xaasaskoodii iyo caruurtoodii oo si aad ah ugu dhibaateysan gobolka J/dhexe, welina ku jira gacanta Al-shabaab.
Waxaa had iyo jeer dhegahooda ku soo dhacaa dhawaaq xambaarsan dareen dhiilo oo ka imanaya qosaskoodii iyo qaraabadii aay jeclaayeen oo aay dhibaato ba’an ku hayaan Al-shabaab. Sida; dhac iyo dil joogto ah.

Waxaa xusid mudan in aay geesinimo, wadaniyad muujiyeen muddo dheerna dulqaateen. Waxay u adkeysteen gaajo, dawo la’aan iwm. Waxaase ayaandara ah in aanan ilaa hadda loo garaabin, welina digasho iyo cagajugleyn loogu daro.
Waxaan ka warqabnaa waxyaabaha inta badan aay ciidamada ka cabanayaan tahay daryeel la’aan dhinac waliba ah, mushaar la’aan, dibindaabyo, cadaaladdaro iyo eex aay ka sheeganayaan maamulka.
Sidaa darteed maamulka Jubaland waxaan uga digeynaa in ayan xiisad iyo xasaasiyad sabab u noqon karta iska horimaad ciidan oo uu dhiig ku daata.
Waxaan saraakiisha, iyo waxgaradka jooga Kismaayo ku boorineynaa in aay xaalada dejiyaan una kala dabqaadaan ciidanka iyo maamulka inta ayan xaajada faraha ka bixin.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA

yuusf

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.