Daawo:Xildhibaan Cabdi shire Waxaa soo jeedinaya in aroos Qaran loo sameeyo lamaanaha isdoortay si aysan u dareemin takoor.

Xildhibaan Cabdi shire jaamac oo kamida Xildhibaanada Federaalka soomaliya oo ka qayb galay kulankii Xildhibaanada Dowlada Federaalka soomaliya oo kadhacay Xarunta Golaha shacabka, Kulanka waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Xildhibaan Cabdi shire ayaa waxuu marka Hore ka mahadceliyey Barlamaanka Soomaliya sida ay u aqbaleen Soo jeedintii Gudiga adeega bulshada ee ahaa in ajandaha lagu daro dilkii Allaha unaxariistee Axmed dowlo ee sida arxan darada ah loo dilay.

Xildhibaan Cabdi Shire ayaa sheegay in Aroos qaran loo dhigo lamaanaha is doortay loona gurmado qoyskii uu ka baxay Axmed Dowlo, Dowladana culays lau saaro sidii ay ilamahas 12 ah u kafaalo qaadi lahayd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.