Akhriso:Sheekadii Farmaajo Ha is Casilo

Oday aan daris nahay oo waayeel ah ayaa kufay xili uu suuliga u socday lug iyo gacan isdhaaf ah ayuu ka jabay xaaladiisa oo xun ayaa loola cararay isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wiil uu dhalay odeyga jabay ayaa shaageey in uu aabihi ku simbiriirixday musqusha islamarkaana uu ka jabay isdhaafka xaaladiisuna ay xuntahay, Dowlada Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay ka danbeysay jabka aabihi maadaama ay bakoorad siin waysay isagoo Farmaajo iyo Khayre ku tilmaamay kasbasho la’aan shacab ayna muuqato fashilka dowladooda sida uu sheegey.

Mar wax laga waydiiyey waxa iska quseeyo dowlada iyo suuliga aabihi ayuu ku jawaabay “Dowladu aabahay iyadaa masuulka ah jabka caawa soo gaarayna iyada ayaa ka danbayso hadii aysan masuuliyada shacabka iyo aabahay qaadayn ha isaga degto xilka”

Eedaha Shacabka ee Dowlada Soomaaliya loo jeedinayo ayaa soo badanayo taas oo sii xoogeysatay kadib markii wiil iyo gabar is aroosay ay dowladu dhex seexan wayday taasoo sababtay in caruuskii uu bireeyo xaaskiisa, sida ay ku an dacoonayaan qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed.

Todobaadkaan dhexdiisa ayay ahayd markii mid kamid ah dadka la haybsooco uu guursaday gabar ka soo jeedo beelaha waawayn taasina ay keentay in la gubo adeerkii, waana halka shacabku ay ku ogaadeen fashilka Dowlada.

Musqulo wanaagsan oo aan lagu kufin in la helo waxay kamid tahay adeega bulshada ee farmaajo ka gaabiyey?

Wariye Saabir Abdulkadir Warsame

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.