Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntaland oo Loo Dhaariyey

gaas

Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Magaalada Boosaaso lagu dhaariyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Marwo Saynab Ugaas Yaasiin oo xilkaasi loo magacaabay 13 September 2018.
Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa fuliyey xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland, iyada oo wasiirada maanta lagu dhaariyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hortiisa.
Wasiiradda maanta la dhaariye ayaa Madaxweynuhu kula dardaarmay in si xilkasnimo leh ay ugu adeegto shacabka, si xilkasnimo lehna gudato waajibaadkeeda shaqo, isla’markaana ay ka dhawr-soonaato wax walba oo shaqadeeda hakad gelinaya, kana hor joogsanaya habsami usocodka hawlaha wasaarada.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in hortayda lagu dhaariyo Saynab Ugaas Yaasiin oo loo magacaabay xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, waa bogaadinayaa Saynab waxaan Alle uga rajeynayaa in uu shaqadeeda u fududeeyo, sidoo kale waxaan rajeynaynaa in saynb si daacadnimo ku jirto xilkeeda u gudan doonto Inashaa’ Allaah” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa xasuusiyey Marwo Saynab Ugaas Yaasiin in loog baahan yahay in ay ku hawl gasho siyaasada dawladda ee “Puntland Ha isku Tashato” iyadoona weliba Madaxweynuhu xusay in dalka uu ka socdo horumar lixaadle oo lagu taaba-gelinayo kor u qaadida dhaqaalaha iyo dardar gelinta mashaariicda horu marineed.
Xigasho warbaahinta Puntland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.