Warbaahinta Dowlada Somaliya oo sheegtay AlShabaab Lagu dilay Buurhakaba

Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay Maxamed Ibraahim Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal Maleeshiyaadka Al-shabaab ay kula galeen duuleedka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada Buurhakaba balse ay ka hor tageen ciidamada ammaanka oo sida uu sheegay ka dilay Al-shabaab 6-kamid ah maleeshiyaadka Argagixisada.
Waxaa sidoo kale uu sheegay Maxamed Ibraahim Nuur guddoomiyaha degmada Buur-hakaba iney gacanta ku dhigeen hub ay ka furteen maleeshiyaadkii ay dileen ee soo weeraray degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Warbixintii warbaahinta qaranaka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.