Daawo:Dowlada Soomaliya oo Fulinaysa Go’aamada iyo Fulinta kasoo baxa Garsoorka

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka billaha ah ee isku xirka bahda caddaalada dalka oo looga hadlay dardar gelinta qorshaha horumarinta hannaanka caddaaladda dalka, fulinta go’aannada maxkamadaha, la dagaallanka Dekumintiyada been-abuurka ah iyo qorshaha dib-u-habeynta arrimaha dhulka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen madaxda hay’adaha garsoorka, taliska booliiska, wasiirrada amniga gudaha iyo caddaaladda, maamulka gobalka Banaadir iyo hanti-dhowraha qaranka ayaa looga dooday muhiimmadda ay caddaaladu u leedahay xasilinta dalka iyo soo celinta kalsoonida shacabka.
Ra’iisul wasaraaha ayaa bahda garsoorka iyo hay’adaha fulinta kula dardaarmay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan hubinta iyo fulinta go’aannada maxkamadaha si bulshadu u hesho caddaalad dheelli tiran oo laga ilaaliyay laalaab iyo musuq-maasuq.
“Looma dul qaadan karo in mawaadin Soomaaliyeed uu garsoorka dulmane u noqdo, waa in aan bedelno dhaqankii hore. Waa in si dhab ah loo wada shaqeeyo dhinac walibana sida ugu habboon uga soo dhalaalo mas’uuliyadda iyo waajibaadka ka saaran taabba gelinta nidaam-caddaaladeed Soomaalida oo dhan dan u ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.