Madaxwaynaha Somaliya oo ka baaqday Shirkii Qaramada Midoobay iyo Wasiir Cad oo Matalaya

wasiir

Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaaho Farmaajo ayaa waxaa uu ka baaqday Shirkii Qaramada Midoobay waxaana u wakiishay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad kaas oo u kicitimay Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay ee Dalka Mareykanka.

Wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa halkaasi uga qeyb gali doona Fadhiga guud ee 73-aad ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha JFS, isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.