Daawo:Boliiska oo Gacanta kusoo dhigay Dad Dilal ka Gaystay Muqdisho 24kii Saac ee

bariisa

Taliyaha Hogaanka canshuuraha ee ciidanka booliska Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanayaal kala duwan loo soo qabtay falal dil ah oo 24-kii saac ee aynu ka soo gudubnay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ugu horeyn sheegay in gacanta lagu soo dhigay 8 eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen fal dil ah oo ka dhacay agagaarka Digfeer ee Muqdisho, kuwaasi oo ku jira gacanta ciidanka booliska isla markaana ay ku socoto baaris.
Sidoo kale waxaa jirtay marxuum lagu dilay agagaarka Seeybiyaano oo ay dileen ciidan la socday nin sargaal sare ah oo lagu dhuftay xabad dhashiike ah, waana loo soo xiray saddex qof oo uu ku jir kii xabadda dhashiikaha riday.
Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysanihii geystay dilka marxuum shalay Muqdisho lagu dilay, isla markaana la gubay, kuwaasi oo iminka ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.
Taliyaha Hogaanka canshuuraha ee ciidanka booliska Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa xusay in kiiska gabartii lagu dilay Jaamacadda Soomaaliya faraceeda Baar Ubax loo soo xiray waardiyeyaashii Jaamacadda
“Kiiska afaraad waxa uu ahaa gabartii lagu dilay Jaamacdda, runtii ciidanka Booliska markuu tegay waxaa loo soo xiray arrintas, sida aad la socotaan Jaamacaddu waa ay weyntahay, hal erid ayay leedahay, halka irid waxaa jooga ciidan waardiyeeya, ciidankaas waardiyaynaya waxa loo dhigay Albaabka waxay ahayde in Jaamacadda iyo waxa ku jira ay amnigooda sugaan, maadaama Jaamacadda la soo galay labo nin oo bistooladu ku hubeysan wajigooduna uu duubanyahay dileena marxuumadda, waxaan gacanta ku soo dhignay ciidankii waardiyaynaayay ee amniga loo igmaday Jaamacadda, Macalinkii u yeeray maadaama ay maanta Jimco ahayd ardayadda iyo eedeysanayaal kale, baaris ayaa ku socoto, waxaana rajeynayaa in qofkii ugu dambeeyay ee falkaasi geystayna in gacanta lagu soo dhigi doono”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.