Labo Nin oo Tirsan kooxda argagixisada Shabab oo Gacan lagu dhigay

shabab

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaalaysanayeen qaybo ka mid ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxay ku sheegtay inay Ciidamada ammaanku soo qabteen shaqsiyaadkan markii ay heleen xog ku aaddan xubnahan la qabtay.
Howlgalka lagu soo qabanayay Labadan xubnood ee ka tirsan kooxda nabad-diidka Al-Shabaab ayaa ahaa mid qorsheysan, kaas oo aysan cidina wax ku noqon, waxanay hay’addu fartay Bulsho weynta Soomaaliyeed inay ku Garab istaagaan difaaca Shacabka.
“ciidamada amniga ayaa Labo shakhsi oo amniyaat-ka Al-shabaab ah kasoo qabtay Degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdusho, howl-galka cidi wax kuma noqon, Nagu Garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna.
Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa indhawaalaba ku howlanaa sidii ay u Laba laabi lahaayeen sugidda ammaanka Dalka, iyagoo Bulshada qaybaheeda kala duwanna ku boorrinayo inay Garab istaagaan layskana kaashado cadawga Ummadda iyo Qarannimada Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

warkii warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.