Top News:Xaaf oo dowlada Somaliya la soo oo xariiray iyo Qilaafkii Galmudug oo Dhamaaday

xafsade

Madaxwaynaha Maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxuu qadka Telefoonka kula soo xariiray Madaxda ugu sareeysa Dowlada Soomaliya waxuuna sheegay inuu diyaar u yahay in lasoo afjaro qilaafkii Soo kala dhex galay Dowlada Federalka iyo isaga, waxaa kaloo Xaaf sheegay in dowlada Soomaliya qayb ka qaadato sidii loo soo afjari lahaa qilaafka soo kala dhexgalay Madaxda ugu Saraysa Maamulka Galmudug.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxuu umahad celiyey Madaxwaynaha Hirshabeele sida wanagsan oo geesinimada kujirtoee uqaatay go’aanka adag kaas oo ugu danaynaayey Shacabka Soomaliyeed iyo Maamulka Hirshabeele

Dhanka Kale Guddiga Golaha Aqalka sare uu u xilsaaray Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa la kulmay Madaxda Galmudug ee kusugan Magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta Maamul goboleedka Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.