Taliyihii Xabsiga Magaalada Kismaayo oo ku Biiray Shabab

Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa waxaa lagu soo bandhigay Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubbaland, kaasi oo la sheegay inuu ka soo goostay.
Sarkaalkaan, ayaa wuxuu watay dareeska lagu yaqaan ciidamada Booliska iyo qori Ak47 ah, waxaana la shegay inuu ka soo baxsaday Magaalada Kismaayo.

Nuur Yuusuf Saney ayaa lagu sheegay magaca ninkaan isa soo dhiibay, wuxuuna wareysi uu siiyay Warbaahinta Shabaab ku sheegay in sababta uu isku soo dhiibay ay tahay dhibaatooyin Jubbaland dadka shacabka ah ay ku hayaan.
Al Shabaab ayaa sheegay ninkan isa soo dhiibay inuu ahaa Taliyihii Xabsiga Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland.
Jubbaland kama aysan hadlin Sarkaalkaan ka tirsanaa Maamulkooda ee ka baxsaday Magaalada Kismaayo, gaarayna Magaalada Jilib oo Shabaab ay maamulaan.

Xigasho Universal TV

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.