Daawo:Ra’iisalwasaare khayre oo hadal aysan jeclayn Madaxda Maamul Goboleedyada u sheegay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u jawaabay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ahaa in xamar Aan ahayn iyo in beesha caalamka na dhex dhexadiso.

Ra’iisalwasaare kheyre ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo wax kasta oo tabasho siyaasadeed ah balse uusan soo dhaweyneyn in amniga Muqdisho lagu sheego mid aan wanaagsaneyn.

Waxaan soo dhaweyneynaa wax walba oo tabasho ah la sigu tanaasulo iyada oo loo daneynayo dadka soomaaliyeed ee u baahan dowladnimada, laakin ma soo dhaweyneyno in la yiraahdo magalada Muqdisho laguma shiri karo oo amni maahan,ma aqaan waxa loogu daneynaayo hadalkaas ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa waxa uu sheegay in marnaba aysan ogolaaneyn in la dalbadao in Gacan sadexaad oo Ajnabi ah ay soo farageliso khilaafka soomaalida dhexdeeda ah waqtigaana waa laga gudbay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.