Sawiro:Golaha Aqalka Sare oo gaaray Kismaayo iyo Niyad Jab soo wajahaysa

aqalka

Xubnaha Aqalka Sare oo tiradooda dhan tahay 10 ayaa waxay Gaareen Magalada Kismaayo Xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbalad waxaana Garoonka Diyaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Abdi Maxamed Abdirahman iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Jubbaland.

Xunaha Golaha Aqalka Sarre ayaa ujeedka ay utageen Magaalada Kismaayo iaey xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo qilaaf xoogan soo kala dhexgalay, Xubnahan aqalka Sarre ee Gaaray Magalada Kismaayo ayaa waxay lakulmi doonaan Madaxwaynaha Jubbaland kaas oo usheegi doona in dowlada Fedraalka ah ay ku abaabushay Mucaard isaga ka dhan ah kuwaas oo bananbaxyo kasameeyey Degmooyinka Jubbaland.

Is afgaran waaga ugu daran ayaa waxaa uu ka imaanayaa Xal uhelida Bulshada Jubbaland ee Mucaaradka ku ah Axmed Madoobe kuwaas oo aysan dowlada Soomaliya soo abaabulin ee kacdoonkooda, sida kaliya ee Xal loogu heli karo ay tahay Axmed Madoobe inuu ogolaado waxyaalaha ay dalbanayaan Mucaardka oo ay kamid yihiin dhac, Dilal qorshaysan, Kufsi, Burburin Hanti dadwayne iyo Dhunsiga Dhaqaalaha samafalka ee loogu talagalay Buslahada Jubbaland.

Xubnahaan Golaha Aqalka Sarre ayaa markay lasoo kulmaan axmed Madoobe waxay kusoo warcelinayaan Xarunta Aqalka Sarre ee Magaalada Muqdisho ee Casuumada Soomaliya.

aqalka

aqalka


aqalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.