Dhagayso:Baladxaawo Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland oo ka tacsiyadeeyey Ciidamadii ku dhintay dagaalka Alshabab

Duleedka Magaalada Baladxaawo ayaa waxaa ka dhacay Dagaal sababay qasaaro isugu Jira dhimasho iyo Dhaawac kaas oo udhaxeeya Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo Kooxda Argagixisada Alshabab, Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi Maxamed Warsame “Deeq Faandhe” ayaa waxuu ka tacsi udiray Ciidamadii kudhintay Dagaalkii ka dhacay Duleedka Degmada Baladxaawo waxuuna ilaahay uga baryey Inii dhimatay in idambigooda dhaafo kuwa dhaawacana caafimaad dag daga siiyo.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq Faandhe ayaa waxuu dowlada Federaalka Soomaliyeed ka codsaday inay Gurmad dag daga oo isugu jira Gargar Caafimaad, Saanad dagaal iyo Ciidamo dheeraad ah lala soo gaaro Ciidamada dagaalka Kuqabsaday Duleedka Baladxaawo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.