Top News:Galmudug oo laga joojiyey Dhaqaalihii La siin jiray kadib Markii ay Burburtay

Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa laga laga Joojiyey dhaqaalihii Horumarinta ee lagu taageeri jiray kuwaas oo ka imaanayey Ha’adaha Caalamiga iyo kan Dowlada federaalka ah ee Soomaliya.

Sababta ugu wayn ee dhaqaalihii lasiin jiray Galmudug loo xanibay ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay qal qal siyaasadeed oo soo kala dhex galay Madaxda ugu Sareeysa ee Galmudug waxaana dhawaan xilka laga qaaday gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxwaynaha Galmudug Xaaf, waxaana Lafilayaa in Madaxwayne kuxigeenka Maxamed xaashi iyo Gudoomiye kuxigeenka Barlamanka Galmdug Xareed iyakana xilka laga qaado.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa hada kasocda fowdo iyo nidaam daro soo kala dhexgashay Madaxda ugu sareysa ee maamulka Galmudug kuwaas oo aan eegayn danta Guud ee Bulshada waxay inta badan ka shaqeyaan dantooda Gaarka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.